Opens in a new tab

Waan Kuu Taliyay Sidaan Kuugu Taliyayna waa Sidaad ku Sugantahay.

ONA7 May 2016
Read in English

Waxaa murugo leh sida dadka somalida ah loo qashinsaday, loo xaqiray, loo yasay si ka daran sidii FIRCOON qoomkiisa oola dhaqmi jiray ee wax kastoon macquul ahayn intuu ku yiraahdo iyaguna ka aqbali jiray ayaadda 53 suratul zukhruf Rabbi swa wuxuu ku sheegay  inuu Fircoon qoomkisii  oola tagay wax dad caqli leh oo miyirqaba aan loo sheegin karin iyaguna ku raaceen sida ilaah ayaan ahay, wabigan durduraya iyo Masar anaa leh Muusana waa sixiroole.

Mar hadday bahdilku ku adeeceen iyaguna waa la mid oo fircoon ayeey isku wada marayaan ee looguma cududaarayo isagaa luggooyay, xukunkaasina waa caam ruxii raaca ,adeeca, umarxabeeya daalim dhiiga dadka,cirdigooda,sharaftooda iyo xoolahooda bannaystay waa la mid Rabbi hortiisa swa Madaxweyne ha sheegto,liyuu police iyo shakhsi caadi ahba.

waxaa layaabay nimanka dad somaliyeed baan matallaa sheeganhayay ee Koonfurta somaliya iyo Gobolada dhexe ka yimid ee ina ileeyay iyo GHEBRE intay kala dhex istaageen yiri noo taliya waan tashanwaynay raggay sidaa ku leeyihiin soow ma ah raggi geed gaaban iyo geed dheerba ufuulay ,naf uhuray, maal uhuray, ufakaray ,usoo jeeday inay tashanwaayan.
XAbashida ma danbaa oogu jirta in soomali tashato ?
hadaad suashaa waydiiso ruuxa oogu garaadka liita xabashida jawaabta saxda  ah ayuu ku siin sabatuna waxaa weeye madaxdiisa ayaa ku barbaarisay oo hadjeer la hortaagan ,manhajka iskuulkana ooga dhigay in aanu jiritaanka magaca somaaliga ah khatar ku yahay kan xabashiga isagoon darajo iyo dan kaga lumaysa dan ka lahayn ee doonaya shacabkiisa inuu xaqiiqa taabsiiyo si ay mustaqbalkooda uhantaan loona majara habaabin ilayn shacabkii hadii dano yar la dhaafsado.
sida  jago ,shilimo iyo afmiinsharnimo lagu ilaanshahayo  xukun oo kii dilay udoodo<ghebre> looguna heeso halkuu waraabuhu ku cuni lahaa wan khiyaamo qaran iyo amaano darro ,daciifnimada nimaankaas waxaan la ashqaraaray markuu ina Eleey ku faanay hortooda inuu xabashi yahay sidaana aad ujecelyahay isagoo Shacabka  Somalida Ogadenya ku been abuuranhaya kana beensheegaya , iyaguna waaba iyagoo jooga jigjiga Muqdisho dhexdeeda xatta kuma faani karaan somaalinimo
somaliyeey toosa , midooba soo celiya qaranimadii qof, qoys iyo qabiil gaar ahaantii wax noqonkara ma jiro iyadoon somali dhamaanteed ayna wax noqon wax umusha dan u ah ayaa ilma dan u ah tusaalaheeda waad  aragteen 25-kii sano ee la soo dhaafay tuulooyinka dawladda lagu sheegay inuu dhibuun ka siyaada oo xabashida magan uyihiin iyaduna cabsida iyo rafaadka usii badiso si ayna ooga maarmin sidii Rabbi  swt suratul jinni ku sheegay ayadda 6-aad Insigu intu  Jinniga magangalo ayuu dhibka iyo cabsida usii badiyaa si aanu ooga maarmin.
cadawga ha issu raacina idinka dhexdiina ,wilasha xaq udirirka jxwo ee cadawga udhiibtaan halkaad ooga hilin lahayd taasooy xaq wajibah idinku leeyihiin kii diinta islamka Allana idinkula xisaabtami iyo dhalashada ilaa hadana dhibistooda iyo dibindaabyadooda cidna kama faaidin.
Tusaale Harun alrashiid wuxuu ahaa khaliifkii 5aad ee khilaafadii cabbasiyiinta, umawiyintii ay xukunka kala wareegeen oo cadaawad kulul ka dhexaysay ayaan SPAIN dawlad muslim ah oo xoog badan ka dhistay Gaaladiina foodda galin wayday intay soo wareegeen waligood way yaqaaneen in ay dadka isku midka ah diin iyo dad ahaanba isu adeegsadaan HARUN waxay soo bandhigeen bariga yurub meelihihii isku hayeen ayaan tanaasulaad ku samayhaynaa dhulkan ay dawladda ka yihiin waanu kugu wareejin ee jabkooda aan iska kashanno wiilka yar ee HARUN dhalay labatan xatta gaarin uuna u barbarinhayay inuu ka dhexlo xukunka ayuu isagoo tijaabinhaya  waydiiyay jawaabtuu siinlaha.
Wiilkii wuxuu ku jawaabay walaalkay inaan la dilo hadda isaguna aniga dilo hadhoow ayuu rabaa intuu madaxa usalaaxay ayuu ku yiri sidaas ayaan kaa rabaa waa sida naloo ka bahanyahay maanta inaan isku gacaldirirno damiirku damqado markaad shacabka Soomalida Ogadenya Gaalada ka raaceen una gacangaliseen halyeeydooda cadawgooda iyo kiinaba sow ma ahayn in aad laantaad ku fadhideen in aad salka ka jarteen oo markuu iyaga ka soo gacanbanaanaado inuu mid mid idin dilo.
halkay nimaanka somaliya ka yimid joogeen ee barwaaqada iyo nabadda ku sheegayaan wax yar ayuu Jeelka buux dhaafay -JEELOGADEEN-ee ay dadku saxaradooda iyo matagooda cunaan ee waliba kuwii sii joogay waxay matagaan ama saxaroodaan ma leh ee kuwa cusub ayaa maalmaha hore laga helaa,bal iska dhaaf wadankoo dhan ee  Jigjiga ay joogaan ayaa habsi wayn oo kor ka banaan ah  masaakinta la daroogeeyay e xaddka ku soo layhaya dadka somaliyeed ee abaartu ,colaad iyo dawlad la,aantu halakaysay ee ka soo oohiyay iyaga  sidii ilma yaroo walidkii kusoo ooyay  taasina ma caddaalada iyo barwaaqadda ayeey ka midtahay?
gayi somaaliyeed ee xor ah maanta ma jiro ku hore iyo ku dambe midnaba inagoo dhan oo mid ah waa in aan ka soo billawbaa halkii Darwishkii xattaa SYL way ka shishaysaa maanta
hashaan labada gaal ee isbarkaday gudub uwaydaarshay hashaan gaadweynoow libaax shalay ooga gaboonwaayay inaan gorayo cawl ooga tagaa waa wax soo gudhayee–timecadde..
By Axmed Sheekh
La wadaag