Jabhada shacabka Cafarta oo lagu magacaabo Afar Revolutionary Democratic Unity Front (ARDUF)’s ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtay in ciidan si gaar ah u tababar oo ka hawlgala gobolada Cafar ee Zone-ka 4aad iyo 2aad ee dawlad goboleedka Cafarta ay weerar mir ah ku qaadeen xiro uu ciidanka Wayaanaha ee TPLF-tu ku lahaayeen halkaa. Weerarka y ku sheegeen inuu ahaa mid si fiican loo qorsheeyey ayay ku sheegeen in waqti habeenima ah iyadoo ay ciidanka cadawga hurdaan xero ku taala degmada Teeru ay u xaluusheen ka dibna ay kaga dileen ciidan cadawga 49 meesha ay kaga dhaawaceen siday ay sheegeen dhowr iyo labaatan. Waxay kaloo sheegeen in mid ka mid ah daba-qoodhiga Cafarta halkaa lagu dilay.Wuxuu kaloo sheegey ururuka ARDUF inay ka furteen cadawga hub iyo saanad farabadan taasoo u suutagalin doonta inay sii wadaan weerada ay ku hayaan wayaanaha.
Sidii dhaqanka u ahayd gumaysiga Itobiya waxay ku sheegeen warsaxaafadeedka jabhadda ARDUF inuu cadawga dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa xerada la weeraray ka aargoosteen iyagoo qab-qabtey dad shacab ah oy ku eedeeyeen inay yihiin taageerayaasha ururka oo aan la garanaynin meel ay ula keceen. Waxay ku toogtay isla goobtii todoba ka mid ah dadweynihii ay qabteen, waxayna dabka qabadsiiyeen sida ay sheegeen ARDUF guryihii dadka shacabka ah.
Waxay ballan ku qaadeen jabhadda ARDUF (UGUUGUMO) war-saxaafadeedkooda inay sii wadi doonaan halgankooda inta xuquuqda aaya-ka-tashiga shacabka Cafarta laga xaqiijinayo.
Dhamaan qawmiyadaha ku hoos jira gumaysiga Itobiya iyo shucuubta Itobiya ee ku hoos nool cadaadiska iyo cabudhinta nidaamka Wayaanaha ayaa isu diyaariyay inay dagaal hubaysan ku qaadaan jabhadda TPLF-ta oo si waadix ah ugu cadeysay in aanay xukunka kaga tagynin wax aan hayn xabadii ay ku qabsadeen. Dhaq-dhaqaaqan xoogan ee ka socda qabtolka Itobiya ayaa keenay inuu KT Meles Zinawi ku hanjabo inuu dagaal ku qaadi doono dalka Eretreeya taasoo ay mucaaradka Itobiya ku macneeyeen inuu liito nidaamkiisa.
ONA.
The Afar people's front, known as the Afar Revolutionary Democratic Unity Front (ARDUF), stated in a press release it issued that specially trained forces operating in the Afar areas of Zone 4 and Zone 2 of the Afar regional state launched a surprise attack on a camp that the Woyane TPLF forces had there. They said the attack was well planned and that, at night while the enemy troops were asleep, they infiltrated a camp located in Teeru district and then killed 49 enemy soldiers there and wounded, according to them, more than twenty. They also said that one of the Afar collaborators was killed there. The ARDUF organisation also said that it seized a large quantity of weapons and ammunition from the enemy, which will enable them to continue the attacks they are carrying out against the Woyane.
As has been the custom of the Ethiopian colonisers, the ARDUF front said in its press release that the enemy took revenge on the civilians who lived near the attacked camp, arresting civilians whom they accused of being supporters of the organisation and whose whereabouts are unknown. They shot dead on the spot seven of the people they had arrested, and, according to ARDUF, they set fire to the homes of the civilians.
The ARDUF front (UGUUGUMO) pledged in its press release that it will continue its struggle until the right to self-determination of the Afar people is secured.
All the nationalities under Ethiopian colonisation and the peoples of Ethiopia living under the oppression and repression of the Woyane regime have prepared to wage armed struggle against the TPLF front, which has made it clear that it will not leave power by any means other than the bullet with which it seized it. This strong movement taking place in the Ethiopian capital has led PM Meles Zinawi to threaten to wage war on the country of Eritrea, which the Ethiopian opposition interpreted as a sign that his regime is weakening.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
