Dhaq-dhaqaaq isku magacaabay – The Global Civic Movement for Change in Ethiopia – ayaa soo dhaweeyay shaqa ka fadiisadka ay sameeyeen taksiile-yaasha Addisababa. Wuxuu sheegay dhaq-dhaqaaqan inuu taageersanyahay sababtoo ah bay yidhahdeen waxay muujinayaan dhibaatada haysata dadka Itobiya oo doonaya inay cabashadooda si nabadgalya ah ku cabiraan. Waxayna qayb ka tahay bay yidhaahdeen diidmada lagaga soo horjeedo kooxda yar ee 20ka sano ku haysata xukunka xoogga qayaxan iyo doorasho beenaadka.
Waxay sheegeen dhaq-dhaqaaqa (The Global Civic Movement for Change in Ethiopia) in 1974tii lagu riday xukuumadii boqortooyada ahayd banaanbaxyo uu shacabka Itobiya u dhammaa. Sidoo kale ayay gadoodkii ka dhashay doorashadii 2005tii darawaliinta takaasida si buuxda u taageereen rabitaanka dimoqraadiyadda. Waxay intaa raaciyeen in shaqa ka fadhiisadka darawaliinta Takaasida ay ku dhiirigalinayaan dadweynaha in isbadal uu iman karo. Sidaa darteed waxay si buuxda u taageereen shaqa joojinta ay sameeyeen darawaliinta waxayna ku tilmaameen ianay yihiin kooxdii ugu horeysay ee ku dhiirata tan markii sida naxariis darada ah uu u laayeen dadkii banaanbaxayay 2005tii ciidanka KT Zinawi.
Wuxuu dhaq-dhaqaaqa (The Global Civic Movement for Change in Ethiopia) ugu baaqay dhamaan shucuubta Itobiya inay ka xoroobaan cabsida oo si wadajir ah ay u taageeraan darawaliinta takaasida.
Waxay sheegeen in xukuumadda dhiigyacabka ah ay hadaba bilowday inay cabudhiso banaanabaxa taksiilayda iyagoo bilaabay inay qaarkood xabsiga dhigeen qaar kalena ay kala wareegeen taksiyadii ay lahaayeen.
Wuxuu dhaq-dhaqaaqa (The Global Civic Movement for Change in Ethiopia) cambaareynayaa talaabooyinkaa sharci darada ah iyagoo ugu baaqaya qaybaha kala duwan ee bulshada Itobiya – dhalinyarada, ardayda, shaqaalaha, tujaarta, shaqaalaha dawladda beeralayda – intaba inay taageeraan darawaliinta takaasida oo ay shaqa ka fadhiisad sameeyaan oo aanay wax xidhiidha ah la yeelanin xukuumaddan Kali-taliska ah ee sharcidarada ku dhisan.
Waxay ku soo gunaanadeen; inuu helo shacabka Itobiya dhamantii Gobanimo, Cadaalad, iyo Dimoqraadiyad dhab ah. Guusha waxaa iska leh shacabka Itobiya.
The Global Civic Movement for Change in Ethiopia
A movement calling itself The Global Civic Movement for Change in Ethiopia has welcomed the strike carried out by the taxi drivers of Addis Ababa. The movement said it supports them because, it said, they are showing the hardship facing the people of Ethiopia, who want to express their grievances peacefully. It said the strike is also part of the opposition to the small group that has held power for 20 years through naked force and fraudulent elections.
The movement (The Global Civic Movement for Change in Ethiopia) said that in 1974 the imperial government was overthrown by protests in which all the people of Ethiopia took part. It said that likewise, during the uprising that followed the 2005 election, the taxi drivers fully supported the desire for democracy. It added that the taxi drivers' strike encourages the public to believe that change can come. It therefore fully supported the strike carried out by the drivers, describing them as the first group to dare to do this since KT Zinawi's forces mercilessly killed the people who were protesting in 2005.
The movement (The Global Civic Movement for Change in Ethiopia) called on all the peoples of Ethiopia to free themselves from fear and to support the taxi drivers together.
It said the bloodthirsty government has now begun to suppress the taxi drivers' protest, having started to jail some of them and to confiscate the taxis owned by others.
The movement (The Global Civic Movement for Change in Ethiopia) condemns these illegal measures and calls on the various sections of Ethiopian society – the youth, students, workers, traders, civil servants and farmers – all to support the taxi drivers, to go on strike and to have no dealings with this dictatorial government founded on lawlessness.
It concluded by saying that all the people of Ethiopia should gain genuine Freedom, Justice and Democracy. Victory belongs to the people of Ethiopia.
The Global Civic Movement for Change in Ethiopia
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.

