Waxaa dalka Garmeyn magaalda Frankfurt lagu qabtay Taariikhdu markey ahayd 22-24ka April 2011 shir ey ka soo qeeyb galeen hoowlwadeenada Jabhada ee Qaarada Yurub ururada bulshada iyo hogaanka sare ee jabhada. Waxaa shirkaa gudoominayay gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cusmaan. Shirkaas oo ku soo beegmay marxalad kala guur ah oo halganka shacabka Soomaalida Ogaadeenya uu xoogeeystay cadowguna burbur qarka u saaran yahay is la markaana Bariga Dhexe iyo Africa ka socdaan isbadalo taariikhi ah oo horseedaya aayo ka talinta shucuubta dulman.
Waxaa shirka si qoto dheer loogu falan qeeyay marxaladaha halganka xaqa ah ee Shacabka Ogaadeenya uu marayo iyo sidii fursadaha jira looga faa’ideysan lahaa loogana gaashaaman lahaa qataraha soo foodsa.
Waxaa si weeyn la isula qiray adkeeysiga iyo geesinimada shacabka Soomaalida Ogaadeenya oo u dhabar adeegay ciribtirka iyo xasuuqa bahalnimada ah ee taliska dhiigyacabka wayaanaha ee itoobiya xukuma iyo in hanashada guusha kama danbeeysta ah iyagu leeyihiin.
Sidoo kale waxuu shirku si weeyn u bogaadiyay kaalinta lama ilaawaanka ah ee xoreeynta dalka hooyo uu kaga jiro ciidanka geesiga ah ee Jabhada Xoreeynta Ogaadeenya kaas oo muquuniyay kagana gacan sareeya goobaha dagaalka ciidanka naf la caariga ee gumeeysiga Itoobiya.
Waxaa shirka si qoto dheer loogu falanqeeyay go’aanadii ka soo baxay kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe iyo qaabkii loo fulin lahaa, talooyinkii ey soo jeediyeen hoowlwadeenada iyo ururada bulshadu, isbadalada taariikhiga ah ee ka dhacaya Africa iyo Bariga Dhexe, kacdoonka shucuubta Itoobiya iyo sidii la isaga baheeysan lahaa ridida taliska macangaga ah ee wayaanaha iyo xaaladaha Soomaaliya iyo Djibouti.
Ka dib markii shirku si qoto dheer u falan qeeyay qodabadii la soo hordhigay wuxuu go’aansaday:
1) In halganka xaqa ah ee Shacabka S. Ogaadeenya lagu xoreeynayo la sii xoojiyo.
2) In sida ugn dhaqso badan loo hoowlgalo fulinta go’aanadii kalfadhgii 5aad ee Golaha Dhexe.
3) In la xoojiyo iskaashiga lala leeyahay shucuubta iyo ururada ka soo horjeeda talista itoobiya eegadan.
4) In si buuxda laga faa’ideeysto kacdoonada iyo isbadalada ka dhacaya dunida dacaladeeda.
5) In la fashiliyo siyaasada cusub qar is ka tuurka ah ee wajiyada badan oo uu adeegsanayo taliska gumeeysiga gude iyo dibadba.
6) In lasii xoojiyo siyaasada furfuran ee arimaha dibada lagana midha dhaliyo guullaha joogtada ah.

Waxuu shirku cambaaraynayaa:
1) Siyaasada ku talo galka ah ee maamulka gumeeystaha ah ee uu horseedka u yahay kalitaliye Melez zenawi ee ku saleeysan isir sifeeynta, gumaadka, barakicinta iyo kutumashada xuquuqda insaanka S. Ogaadeeniya.
2) shirkadaha shidaalka baara sida African Oil, South West Energy iwm ee ka ganacsanaya dhiiga S. Ogaadeenya iyagoo maalgalinaya siyaasada gumaadka iyo isir baab’inta itoobiya ka wado Ogaadeenya.
3) Talista dictatooriga ah ee Djibouti, maamul goboleedyada daba dhilifka ah ee Garoowe iyo Hargeeysa ee u adeegaya gumeeysiga itoobiya kuwaas oo cadawga u gacan galinaya shacab Soomaaliyeed oo walaaloahooda aan waxba galabsan .
Shirku wuxuu ugu baaqayaa
1) dhamaan shacabka Ogaadeenya xoojinta midnimadooda iyo ka feejignaanta dabinada iyo qorsha dhagareedyada cadawga.
2) Umada iyo shacabka Soomaaliyeed in ey soo ceshadaan midnamadooda, karaamadooda iyo qaranimadooda kana galgishaan faragalinta gumeeysiga ee itoobiya ku hayaan arimahooda gudaha.
3) Qaramada Midoobay in ey fuliyaan waajibka ka saaran in ey fara galiyaan gumaadka, barakicinta iyo cunaqabateeynta habeeysan ee itoobiya ku heeyso shacbiga Ogaadeenya ee ay xog ogaalka u yihiin.
4) Wadamada deeqda bixiya in ey joojiyaan deeqda ey siiyaan taliska itoobiya taas oo qeeyb ka ah hubka lagu gumaadayo shacbka dulman ee Ogaadeenya.
5) Mujtamaca caalamka in ey kaalmo dag dag ah la gaaraan shacabka S. Ogaadeenya ee sida adag u saameeysay abaarta ay u dhamaanayaan dad iyo duunyaba taasoo si ula kaca ah taliska itoobiya uga qarineeyso indhaha caalamka.
6) Shucuubta itoobiya in ey is ka kaashadaan is ka dulqaadka talista danbiilaha ah is la markaana aanay ka qeeyb galin gumaadka shacabka S. Ogaadeenya iyo shucuubta kale ee itoobiya.
JWXO
Frankfurt, Germany.
From 22 to 24 April 2011, a meeting was held in the city of Frankfurt, Germany, attended by the Front's officials on the European continent, civil society organisations and the top leadership of the Front. The meeting was chaired by the chairman of the ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cusmaan. The meeting came at a transitional stage in which the struggle of the Somali people of Ogadenia has intensified and the enemy is on the brink of collapse, while at the same time historic changes are taking place in the Middle East and Africa that are paving the way for the self-determination of oppressed peoples.
The meeting analysed in depth the stages that the just struggle of the people of Ogadenia is going through, and how to take advantage of the existing opportunities and guard against the dangers ahead.
There was broad agreement on the resilience and courage of the Somali people of Ogadenia, who have endured the extermination and brutal massacres of the bloodthirsty Woyane regime ruling Ethiopia, and that the achievement of final victory belongs to them.
Likewise, the meeting highly praised the unforgettable role played in the liberation of the motherland by the heroic army of the Ogaden National Liberation Front, which has subdued and gained the upper hand on the battlefields over the demoralised army of the Ethiopian colonisers.
The meeting analysed in depth the decisions that emerged from the 5th session of the Central Council and how they would be implemented, the recommendations put forward by the officials and civil society organisations, the historic changes taking place in Africa and the Middle East, the uprising of the peoples of Ethiopia and how to join forces with them to overthrow the stubborn Woyane regime, and the situations in Somalia and Djibouti.
After the meeting analysed in depth the points put before it, it decided:
1) That the just struggle by which the Somali people of Ogadenia are liberating themselves be further strengthened.
2) That work begin as quickly as possible on implementing the decisions of the 5th session of the Central Council.
3) That cooperation with the peoples and organisations opposed to this Ethiopian regime be strengthened.
4) That full advantage be taken of the uprisings and changes taking place around the world.
5) That the new, desperate and multi-faceted policy being employed by the colonial regime both at home and abroad be defeated.
6) That the open foreign affairs policy be further strengthened and that continuous successes be made to bear fruit.
The meeting condemns:
1) The deliberate policy of the colonial administration led by the dictator Melez zenawi, which is based on ethnic cleansing, genocide, displacement and the trampling of the human rights of the Somalis of Ogadenia.
2) Oil exploration companies such as African Oil, South West Energy, etc., which are trading in the blood of the Somalis of Ogadenia by financing the policy of genocide and ethnic annihilation that Ethiopia is carrying out in Ogadenia.
3) The dictatorial regime of Djibouti and the puppet regional administrations of Garoowe and Hargeeysa, which serve the Ethiopian colonisers and hand over to the enemy Somali people who are their innocent brothers.
The meeting calls on:
1) All the people of Ogadenia to strengthen their unity and to be vigilant against the traps and treacherous plans of the enemy.
2) The Somali nation and people to restore their unity, dignity and nationhood, and to reject the colonial interference that Ethiopia is exercising in their internal affairs.
3) The United Nations to fulfil its obligation to intervene in the genocide, displacement and systematic embargo that Ethiopia is imposing on the people of Ogadenia, of which it is well aware.
4) Donor countries to stop the aid they give to the Ethiopian regime, which forms part of the weapons used to massacre the oppressed people of Ogadenia.
5) The international community to deliver urgent assistance to the Somali people of Ogadenia, who have been severely affected by the drought, which is wiping out both people and livestock, and which the Ethiopian regime is deliberately hiding from the eyes of the world.
6) The peoples of Ethiopia to cooperate in ridding themselves of the criminal regime and, at the same time, not to take part in the genocide of the Somali people of Ogadenia and the other peoples of Ethiopia.
ONLF
Frankfurt, Germany.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
