Suuratu Alqasas,Aayada 5aad-وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا فِي الْأَرْضِ وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّة
Waxaan doonaynaa inaan ku galadeysano kuwii dhulka lagu dhex guumaystay oonu Madax ka dhigno.
Bismillaah, Alxamdu Lillaah- Ilaahay waxuu abuuray Makhluuqaad fara badan oo qaarkood leeyihiin awood iyo miisaan aan la qiyaasi karin, hadaan soo qaadano Cirka bal si wanaagsan u fiiri waxa ka dhex muuqda, sida Qorraxda iyo Dayaxa, bal sidoo kale aragti caafimaad qabta ku eeg Dhulka iyo waxa dul saaran sida Badaha iyo Buuraha. Waxaa kale oo jira makhluuqaad naflay ah oo iyaga qudhoodu cajiib ah. Hadaan soo qaato qaarkood bal si iimaan ku jiro u eeg Maroodiga, Libaaxa, Geela iyo Lo’da. Runtii waxaas oo Makhluuqaad ah oo bani,aadamka kawada xoog badan waxaan usoo qaatay inaan dadaka dareensiiyo in waxaasi yihiin kuwo aan caqli iyo Cibaado toona loogu deeqin, balse waxaa loo abuuray oo kaliya inay u adeegaan Bani,aadamka ileen waxaa lasiiyay karaamo, caqli, sharaf iyo cibaado intabee. Hadaba dadkii Rabi sidaa u qiimeeyay ee uu ka sare mariyay dhamaan Makhluuqaadka aan soo xusay ee loogu talo galay inay dhulka islaaxiyaan xagay wax mariyeen, xagayse badankood ka bus kiciyeen?
Hadaan hordhaca qoraalkan intaa ku dhaafo, ilaahay SWTC kor iyo hoosba wuu kala socdaa waxa ka dhacaya dhulka dhexdiisa ee Gabood falka ah. Rabi waxuu jecelyahay waa ixsaanka, cadaalada iyo isu naxariisashada, meesha uu necebyahay dulmiga, cadaalad xumada, iyo in la is guumaysto. Asal ahaan waxaa dhulkan loogu talo galay dadka Akhyaarta ah iyo inay ku camiraan samafal, cadaalad iyo Cibaado Eebe. Hadayse ka seexdaan shaqadoodii oy dadaalkii ka tagaan sow xaaladu ma noqonayso ninkii seexday ayuu Saciisu Dibi dhalay!
Aan hoos usii quuso maqaalka ee waxaad ogaataan inaan marna lagu waarayn guumaysi iyo is adoosi maxaa yeelay ruuxna wajiga kagama suntana inuu waliigii adoosi, Gaajo iyo qax ku jiri doono, cid kastana fursada sharafta iyo karaamadu way soo maraysaa ee ma ka faa’iidaystay mise wuu dayacay? Haduu Rabi doono inuu umad la guumaysto kasaaro guumaysiga waxuu marka hore keena Jiil Geesi ah oo daacad ah isla markaana huraya naf iyo maal iskuna tashanaya, Niyadoodana ay dhab katahay inay adoonsiga ka baxaan. Waa intaa kaliya shardiga horyaala umadaas.
Aayada Qur’aanka ah ee aynu maanta darsayno waxay la jaan,qaadaysaa Jiikaas wax walba hurayaalka ah ee leh tilmaamahaas, waxayna ishaareysaa in Maamulkii adoosiga ku dhisnaa Talada iyo madaxnimada lagala wareegi doono. Cida kala wareegaysa waa Umada laga helo shuruudaha aan soo xusay waana Albaab furan inta Dunidu dhisantahay oo majirto qolo gaar isaga leh Aayadan qur’aaka ah, inkasta oy milicsanayso qowmiyado horay loo guumaystay hadana waa mid guud ahaaaneed.
Suuraru Alqasas, Aayada 5aad-وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا فِي الْأَرْضِ وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّةً Dhanka kale waxaa Aayada ka dhex muuqda bishaaraad mar hadii Ogadenya laga helay Jamaacooyin is wada balansaday oo ilaahay talo saartay iskuna tashadayTaarged,kooduna u cadyahay.
Bahwaynta S.Ogadenya oo uu Guumaystuhu kula kacay falal gurracan oo taariikhi ah ayaan waligeed Madaxa hoos u dhigin iyagoo Gacmaha ka gubay Guumaystaha oo Dhuxul ku noqday. Sida waqtigan muuqata waxaa halgamaaga meel uu joogaba hortaala fursad Dahabi ah taasoo ah mid aan horay usoo marin. Hadaan Carrabka ku dhuftana waa markii koowaad Taariikhda oo halganka Ogadenya kasocda Usha u qabto Qowmiyadaha ku hoos dulman waxa loogu yeedho Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee Aayadan waxaa laga dhadhansanayaa inuu dhamaaday waqtigii Taliska Guumaystaha Geeska Afrika.
Isku soo duuboo kud iyo kaar ha dilee Duqdii xumayd ee Itoobiya loogu yeedhi jiray waxay biqlaysaba maanta waxay u jilib xidhantahay in la Gawraco waxaana Ku foorara Mindiyo fara badan Faaska ugu wayna waxaa midigaystay Ururka ONLF, balse aan eegno markii la qeybsado waaxyaheeda waxa goobta kusoo hadha!
Guul iyo Gobanimo iyo Allaahu Akbar!
Xaaji M/Rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan
Surat Al-Qasas, Verse 5 - وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا فِي الْأَرْضِ وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّة
We wish to bestow favour upon those who were oppressed in the land and to make them leaders.
Bismillaah, Alhamdu Lillaah - God created a great many creatures, some of which possess power and weight beyond measure. If we take the sky, look closely at what appears within it, such as the Sun and the Moon. Likewise, take a sound look at the Earth and what lies upon it, such as the seas and the mountains. There are also living creatures that are themselves wondrous. If I take some of them, look with faith at the elephant, the lion, the camel and the cattle. Truly, I have mentioned these creatures, all of which are stronger than human beings, to make people realise that they are beings granted neither reason nor worship. Rather, they were created solely to serve human beings, since humans were given dignity, reason, honour and worship, and so on. So the people whom the Lord valued in this way, whom He raised above all the creatures I have mentioned and who were intended to set the earth right, in what way have they done well, and in what way have most of them stirred up dust?
Leaving the introduction of this piece at that, God SWT, above and below, is aware of the injustice taking place upon the earth. What the Lord loves is benevolence, justice and mutual compassion, whereas He hates oppression, injustice and people subjugating one another. Fundamentally, this earth was intended for righteous people, so that they would populate it with good deeds, justice and the worship of God. But if they fall asleep on their duty and abandon their effort, will the situation not become "the man who slept, his heifer gave birth to a bull"!
Let me dive deeper into the article. Know that colonisation and enslaving one another never last forever, because it is written on no one's face that they will remain in slavery, hunger and displacement forever. Everyone will be given the chance of honour and dignity, but did they take advantage of it, or did they squander it? If the Lord wills to free an oppressed nation from colonisation, He first brings forth a brave, sincere generation that sacrifices life and wealth, consults with one another, and whose intention to escape slavery is genuine. That alone is the condition facing that nation.
The Qur'anic verse we are studying today matches that all-sacrificing generation with those qualities, and it indicates that the administration built on slavery will be stripped of its authority and leadership. Those who will take it over are the nation in which the conditions I mentioned are found, and it is an open door for as long as the world stands. No particular group owns this Qur'anic verse exclusively; although it reflects peoples who were oppressed in the past, it is nonetheless general in nature.
Surat Al-Qasas, Verse 5 - وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى الَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا فِي الْأَرْضِ وَنَجْعَلَهُمْ أَئِمَّةً On the other hand, the verse contains glad tidings, since in Ogadenia there are groups who have made a pact with one another, placed their trust in God, consulted one another, and whose target is clear.
The great community of S. Ogadenia, against whom the coloniser committed historic wicked acts, has never lowered its head, having burned the coloniser's hands until they turned to charcoal. As can be seen at this time, the struggler, wherever he is, faces a golden opportunity, one that has never come before. To put it plainly, it is the first time in history that the struggle in Ogadenia has held the stick for the peoples oppressed under what is called Ethiopia. In any case, it can be sensed from this verse that the era of the colonial regime of the Horn of Africa has ended.
To sum up, may it suffer every misfortune, the wretched old hag that used to be called Ethiopia, whatever it sprouts, today is kneeling to be slaughtered, and many knives are bent over it, while the largest axe has been taken in hand by the ONLF organisation. But let us see, when its parts are divided, what will remain on the ground!
Victory and Freedom, and Allaahu Akbar!
Xaaji M/Rashiid Aw Macalim
Independent writer
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.