Nin oday ah oon wax ka weydiinay arimaha ka dhex socda maamulka gumaysiga ee Jigjiga ayaa wuxuu ku bilaabay hadalkiisa, dadka waxaa ugu caqli xunbaa la yidhaahdaa laba qof oo ku dagaalanta wax aan gacantoodaba ku jirin. Arin u dhiganta ayaa ka taagan Jigjiga hadda oo la’isku wada haystaa. Wayna muuqataa inuu taliska TPLF raali ka yahay sida ay arinta u socoto. Hordhacaa ka dib ayuu sii sharxay oo yidhi waxaa ka taagan Jogjiga qaar leh waxaan u dabaadagaynaa degmo nala siiyay iyo qaar leh waxaan u dacwoonaynaa Adisababa oo waxaa naloo diiday xaqanagii. Labadaa koox oo qaarna ay dabaadagayaan qaarna ay aad u cadhysan yihiin waxaa daawanaya oo qosol meel la fadhiya maamulka Tigreega meesha ka jooga iyo inyaroo caqli leh oo waxanoo idil fahamsan ujeedada ka dambaysa.
Waxay arintan dib ii soo xasuusiyeen sheeka caruureedii ahayd ninkii afadiisa ku dilay gubadka aan gubi doono, biciidka daaqi doona, suumanka aan ka jeexi doono, sumalka aan ka gadi doono subagiisa cab iyo mayee adigaa cab. Nin siyaasi ah oo arimaha Somalida aad ula socon jiray intuusan isaga hadhin ayaa wuxuu yidhi; waxaa ii waramay nin Tigree ah oo igu yidhi somalida markaan rabno inay madax isla galaan waxaan soo dhex dhignaa un dhowr jago oo magac u yaal ah. ka dibna banaanka ayaan ka daawanaa budhka ay isla dhacayaan.
Waxyaaba badanoo waxaa jira aan ka soo maaxanin maskaxda maamulka magac u yaalka ah ee ka dhisan Jigjiga oo la faro inay magacooda ku sameeyaan, waxaana ka mid ah arimaha hadda ka dhex aloosan gumaysi agoolka markii la yidhi 15 degmo ayaa la magacaabay .. Iska daa magaalada Jigjiga iyo gudaha Ogadenyee wuxuu ka noqday dalalka dariska ah sida Jabuuti iyo Kenya mawduuc lagu qayilo oo la yidhaahdo go’aano ayaan ka soo saarnay arintan sidii iyagoo awood u leh ay wax uga badalaan qorshaha Wayaanaha eek u dhisan iska horkeenka shacabka Somaliyeed.
Qaybi oo xukun waa nidaamka kaliya ee gumaysiga uu umad iyo dal ku xukumo. Haddii ay hal degmo wada daganaayeen dad shacabk ah waa 3ex u qaybi, haday lahaayeen laba nin oo madax ah u sheeg in looga dhigay 3ex oo dheh soo magacaaba midka 3xaad. Kolba koox soo dhawee kuwana fogee. Arimahaa oo aan dhamaad lahayn ayaa ka mid ah dhaqanka gumaystaha inta uu gumaysiga jiro.
Hadaad fiirfiiriso dhamaan shabakadaha gumaysiga u adeega waxaad ku arki reer hebel oo mahadnaq iyo dabaadag ku jira iyo reer hebel oo dacwada qoranaya oo leh waxaan u sii soconaa Adisababa.
Waxaa aad iiga yaabisay kuwa ku shiray Kenya ee cabashada ka muujiyey degmooyinka la sameeyay ey leh waa nalaga qadiyay sababna uga dhigay oo yidhi; (.. taas oo looga gol leeyahay beesha nabada ah in col lagu shido waxaana si cad looga soo horjeestay in beesha marnaba eeysan nabada ey Dowlada la qaadatay lagu ciqaabo oo eey arintaas ilaa dowlada dhexe ee Ethiopia lala tiigsan doono.). Waa markii ugu horeysay taariikhda gumaysiga inta la xusuusto la sheegay in lagu ciqaabay gobol nabaddii uu la qaatay gumaysiga? Oo yaa ku ciqaabay? Isla gumaysigii. Sow xaq uma laha Tigree-ga markanoo kale inay qosol meel la fadhiistaan.
Waxaa iyadana wax lagu cibrad qaata ah shirka la yidhi wuxuu ka dhacay Jigjiga oo waxaa ka soo qaybgalay 100 madax dhaqameed iyo aqoonyahan ah oo kasoo jeeda beesha (XX) ee degta degmada Awbarre ee gobolka Jigjiga iyo dagmooyinka kale ee ka agdhaw. Maxay ka hadlayeen tolow? Dhibaatada maanta haysata umadda Somaliyeed guud ahaan, gaar ahaan shacabka Somaliyeed ee dagan Ogadenya malagaga hadlay shirka la yidhi laba maalmood ayuu socday oo dadkaa boqolka kor u dhaafaya ayaa isugu yimid. Waxaa lagu falanqeeyay sida ay qoreen shabakadaha ka agdhow gumaysiga; ( .. sida deegaanka ay beeshu dagto looga eexday, isla markaana aanan loogu magacaabin wax dagmo ah.).
Waxaan iyadana ka dhagaysanay idaacadda BBC-da nin u hadlay reer Dirdhaba oo sheegtay arima badan, hasa ahaatee aan marnaba ku soo darin hadaladiisa dhibaatada uu ku hayo Cabdi ilay iyo maxaysata uu qortay dadka shacabka ah een waxba galabsan. Balse wuxuu sheegay inuu cabdi ilay ugu faanay oo ku yidhi kursiga aad ku fadhido hoostiisa waxaan ku aasay walaalkay oon dilay? Waxaa aad uga yaabisay dadkii dhagaysanayay ninkaa odayga ah inuusan muujinin inuu ka xunyahay dilka uu ugu faanay Cabdi ilay balse uu ku eedeeyay maydka la yidhi hoostiisa ayuu ku aasanyahay waa nabadiid.
Waxaan waxba dhaamin kuwa dabaadagaya ee fariimaha mahadnaqa ah u soo diraya cabdi ilay eel eh degmaa nala siiyay sida iyagoo degmadooda ka taagay calan xor ah oy u madax banaan yihiin.
Isku soo duub, arimahnoo idil waxay muujinayaan jahawareerka haysta gumaysiga iyo kuwa u adeegaya iyo kuwa aan fahmin weli ama aan doonaynin inay fahmaan gumaysiga iyo tabihiisa.
ONA.
An elderly man whom we asked about the matters unfolding within the colonial administration in Jigjiga began his remarks by saying that the most foolish of people are said to be two people who fight over something that is not even in their hands. A matter equivalent to that is now taking place in Jigjiga, where people are at each other's throats. And it appears that the TPLF command is pleased with the way the matter is proceeding. After that introduction he went on to explain, saying that in Jigjiga there are some who say, "We are celebrating a district we have been given," and others who say, "We are taking our complaint to Addis Ababa, because we have been denied our rights." Those two groups, some of whom are celebrating and others of whom are very angry, are being watched by the Tigrayan administration present there, who sit somewhere laughing, along with a small number of sensible people who fully understand the purpose behind all of this.
This matter reminded me of the children's story about the man who killed his wife over "the calf I will roast, the goat it will graze on, the straps I will cut from it, the hide I will sell, drink its ghee" and "no, you drink it." A politician who followed Somali affairs very closely before he stopped said: a Tigrayan man told me, "When we want the Somalis to clash with each other, we simply place a few nominal posts among them, and then we watch from outside as they beat each other with sticks."
There are many things that do not come from the minds of the nominal administration set up in Jigjiga, which they are ordered to do in their own name. Among them are the matters now stirring among the colonial lackeys since it was announced that 15 districts had been designated. Never mind the city of Jigjiga and inside Ogaden; it even became, in neighbouring countries such as Djibouti and Kenya, a topic chewed over like khat, with people saying "we have issued decisions on this matter," as if they had the power to change the plan of the Woyane, which is built on pitting the Somali people against one another.
Divide and rule is the only system by which colonialism rules a nation and a country. If ordinary people lived together in one district, divide it into three; if they had two men as leaders, tell them it has been made into three and say, "Nominate the third one." Each time, draw one group close and push the others away. These endless tactics are part of the colonizer's practice for as long as colonialism exists.
If you look through all the websites that serve the colonizer, you will see such-and-such clan engaged in thanksgiving and celebration, and such-and-such clan writing up a complaint and saying, "We are heading on to Addis Ababa."
What surprised me greatly were those who met in Kenya and voiced complaints about the districts that were created, saying they had been deprived, and giving the reason as follows: (".. which is intended to ignite conflict against the peaceful community, and it was clearly opposed that the community, which never [abandoned] the peace it had made with the Government, should be punished, and that this matter would be pursued all the way to the central government of Ethiopia."). Is this the first time in the remembered history of colonialism that a region has been said to have been punished for the peace it made with the colonizer? And who punished it? The very same colonizer. Do the Tigrayans not have the right, at a time like this, to sit somewhere laughing?
Also something to take a lesson from is the conference said to have taken place in Jigjiga, attended by 100 traditional leaders and intellectuals from the (XX) community living in Awbarre district of Jigjiga region and other nearby districts. What were they talking about, one wonders? The hardship facing the Somali nation today in general, and in particular the Somali people living in Ogadenia, was not discussed at the conference, which was said to have lasted two days and brought together more than a hundred people. What was discussed, as written by the websites close to the colonizer, was: (".. how the area where the community lives was discriminated against, and at the same time no district was designated for it.").
We also heard on the BBC radio a man who spoke on behalf of the people of Dirdhaba, who said many things, yet never included in his remarks the hardship Cabdi Ilay is inflicting on him, nor the suffering he has written upon innocent ordinary people. Rather, he said that Cabdi Ilay boasted to him, telling him: "Beneath the chair you are sitting on, I have buried your brother whom I killed." The listeners were greatly surprised that this elderly man did not show that he was upset by the killing Cabdi Ilay boasted about, but instead accused the corpse said to be buried beneath it of being a peace spoiler.
They are no better than those celebrating and sending messages of thanks to Cabdi Ilay saying "that district has been given to us," as if they had raised a free flag over their district and were independent.
In sum, all these matters show the confusion afflicting the colonizer and those who serve it, and those who still do not understand, or do not want to understand, colonialism and its tactics.
ONA.AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
