Wariyaha wakaaladda ONA ee la socda CWXO ayaa warbixinadii uu ka soo ururiyay goobaha dagaalka ku sheegay inuu jab iyo halaag Wayaanaha ka soo gaadhay gaar ahaan dagaaladii todobaadadii u danbeeyay ka dhacay meelo kala duwan oo wadanka Ogadenya ah.
Dagaaladaasi oo badankoodu ahaayeen weeraro si-kutalo gal ah uu CWXO oogu qaaday maxaysatada Gumaysiga ayaa waxaa lagu qaaday Saldhigyada iyo dhufeysyada ay Wayaanuhu Ogadenya ka daganyihiin. Waxaa kaloo jira weeraro kuwaasi la mid ah oo lagu qaadayay marka ay ciidamada Wayaanaha xeryahooda uga soo baxaan hawl-galka xasuuqa shacbiga Ogadenya ka dhanka ah. Waxaa haatan sida uu wariyahayagu xaqiijinayo dhif iyo nadir noqotay in Wayaanuhu dhufeysyadiisa kor uga soo baxo.
Weerarada Gobanimo doonka ayaa miisaankiisu uu ka dhacayaa hadda jihada galbeed ee Ogadenya, iyadoo Wayaanha uu isku dayayayo inuu difaacdo marinada muhiimka u ah joogitaankiisa Ogadenya sida Harar oo ah Saldhiga Qaybta(Division) Bari ee militaryga itoobiya, halkasoo ah kobta ciidamadoodu ay Ogadenya ka gumaystaan, Somaliyana kaga duulaan.
Khasaaraha wayaanahu kala kulmay dagaaladii ay CWXO isku haleeleen ayay warbixinta wariyaha wakaaladda iyo taliska gaashaan dhiga CWXO ay xaqiijinayaan ku sheegeen in isugayntooda ahayd 212 Askari ay goobaha dagaalka uga bakhtiyeen cadawga iyo dhaawac tiro badan iyadoo qaar ka mid ah gaadiidka militeriga wayaanaha lagu gubay jid-gooyooyin loo dhigtay. Waxay CWXO ka furteen cadawga qalab ciidan oo kala duwan. Waxaa kaloo ay sheegayaan warar aan helnay inay jiraan baxsasho iyo is Khilaaf ka dhex bilowday gudaha ciidanka gumaysatada Itoobiya.
Fahfahinta dagaaladii u danbeeyay ee Wariyaha ONA uu soo gaadhsiiyay qaybta warqabadka ayaa ahaa sidan;
31/03/2011 Weerar uu CWXO oo si heer sare ah u qalabaysan ku qaaday askarta naf lacaariga ah ee gumaysatada itoobiya oo duulaan shacbiga ka dhana ah ku joogtay meesha la yidhaahdo Dalalaha oo Dagmada Dh/madaw ee Gobalka Jarar ka tirsan, ayaa gabi ahaanba Wayaanihii laga dhigay wax la dilay, waxa la dhaawacay, iyo inyar oo fara caaradood ku baxsatay, iyadoo goobtaasina uu CWXO ku furtay hub fara badan iyo saad ciidan. Dhimashada Wayaanaha ayaa inta N.hurayaashii dagaalka galay ay tiriyeen waxa ay noqotay 41 askari, halka dhaawacuna intaasi ka badanyahay. Xeradii ay ka soo bexeen ciidanka dagaalka lagu jabiyay ayaan cabsi darteed wax gurmad ah ku soo samaynin goobtii saaxiibadood lagu halaagay. Isla bishii March 22keedii weeraro ay geesiyada Xoreynta Ogadenya la beegsadeen maxaysatada Wayaanha oo hawlgalo shacbiga ka dhan ah u joogtay Wancari oo dagmada garbo ka tirsan iyo Caasha-Cadeey oo Gobalka Shabeele ka tirsan ayaa isu gayn waxaa qudha lagaga jaray 9 askari oo Wayaane ah , waxaa kaloo laga dhaawacay 5 kale.
Dagaaladan oo sida uu wariyahayagu noo soo xaqiijiyay sii balaadhay tan iyo bilawgii bishani April, ayaa Weeraro heerar kala duwan ah uu CWXO ku qaaday wayaanaha oo ku kala sugnaa Cobasha-baabili oo Dagmada Baabili ka tirsan, Mooyaha oo Dh/madaw ka tirsan. Dhaawaale oo aan Galaalshe saas uga fogayn iyo Karinka Xaare oo isla Nogob ka tirsan, ayaa isu gayn waxaa ku bakhtiyay 7 askari oo Wayaane ah, halka dhaawacuna 9 yahay. Dagaaladan qaarkood ayaan khasaarihii cadawga soo gaadhay faahfaahin dheeraad ah laga haynin.
Sadexdii maalmood ee bishani April ugu horaysay ayay N/hurayaasha CWXO saad iyo saanad ciidan oo kala duwan Wayaanha kaga furteen dagaalo meela kala duwan ka dhacay.
Maalmihii ay bishani April 04 iyo 05 ahayd ayaa Todoba weerar oo meelo kala duwan ka dhacay waxa uu CWXO la beegsaday Askarta doolka ah ee Wayaanaha oo markaasi ku kala sugnayd, garba-diimo iyo Dhurwaale oo Nogob ka wada tirsan, Laab iyo God-ookhale oo Shabeele ka tirsan, Qarsooni iyo Jugle oo Qorahay ka wada tirsan iyo meesha loo yaqaano Xiirane oo Doollo ka tirsan, dagaaladan oo si isdaba joog ah wayaanha loogu qaaday ayaa kuwa ilaa iyo hada ay faahfaahintoodu na oo gaadhay waxaa isu gayn Wayaanaha lagaga dilay 9 askari iyo 3 ay dhaawacyo xunxumi soo gaadheen, halka qayb dagaaladani ka mid ahna aan faahfaahintooda wararkayaga danbe idiinku soo gudbindoono.
Weerardan uu CWXO gumaysatada Itoobiya kaga xoraynayo wadanka Ogadenya oo si isu miisaaman haatan uga soconaya dhul-weynaha Ogadenya ayaa waxaa kaloo kamid ah, weeraro culculus oo geesiyada xoreynta Ogadenya la beegsadeen wayaanaha oo ku kala sugnaa.
Laab oo Shabeel ka tirsan, Magaalada Dhuxun, meesha lagu magacaabo Sanadul-amiin iyo karinka Buseyti oo dhamaantoodba ka wada tirsan Gobalka Nogob, iyo sidoo kale Dajinka iyo Xero-jabhad oo Doollo ka wada tirsan ayaa inta ilaa iyo eegga naloo soo xaqiijiyay waxaa isu gayn wayaanaha lagaga dilay 68 Askari 12 kalana waa lagag dhaawacay, dagaaladan cadawga lagu riiqay ayaa waxaa ka mid ah dagaal waranka la is dhaafsaday oo markii hore ka bilowday dhabagal uu CWXO ku qaaday wayaanaha oo marayay Karinka-Buseyti oo Ceela-obo u dhaw, halkaasi oo dagaal mudo socday qudha lagaga jaray 50 askari oo Wayaane ah, dagaalku intaasi kuma dhamaanin,balse Wayaanihii ayaa isku dayay inuu gurmad soo sameeyo, si ciidankoodii la jabiyay uu taageero iyo sahay ugu fidiyo, hase yeeshee CWXO oo hogaamin culuumta Militaryga ku xeeldheeri ay dagaal galinaysay ayaa jihooyinkii birmadka cadawga laga filayay oo dhan diyaar gawar buuxa ka sameeyay, taasi oo markii danbana gurmadkii Wayaanaha inta dhexda lagu haleelay midba meel lala maray, waxa uuna CWXO gacanta ku dhigay saadkii wayaanaha iyadoo dhanka kalana halkaasi cadawga khasaare culus lagu soo gaadhsiiyay, waxaana xusid mudan in Taliyihiin Ciidanka gumaysiga oo darajadiisu Colonel ahayd oo lagu naanaysi jiray Gumar halkaasi lagu dilya, waxaa kaloo intaasi dheer qalab fara badan oo CWXO goobahaasi ka furtay, isla dagaaladani oo 06, iyo 07dii bishani Apr dhacay ayaa goobta lagu magacaabo Xero-jabhad waxaa lagu gubay hal gaadhi oo Gumaysigu leeyahay oo ciidan iyo qalab ka buuxeen, halka gaadiidkii la socdayna la curyaamiyay oo madaafiicda garbaha laga tuuro lala haleelay.
Weeraro kale oo 09 bishan Apr uu CWXO ku qaaday wayaanaha oo ku kala sugnaa Dhabajiriso oo Birqod u dhaw, Mir culus oo Xerada wayaanhu Sheykoosh kul eeyahay loo gaystay, Dhaba-gal isna Wayaanha loogu gaystay Xarshimo oo shaykoosh u dhaw, iyo weeraro kale oo cadawga loogu gaystay goobaha kala ah Salaxa-Qarsooni oo Baabili u dhaw, Jaarkow, Jaara, iyo qudhaca oo iyaguna Gabriile ka wada tirsan ayaa isu gayn waxaa qudha lagaga jaray 11 wayaane ah halka 18 kalna inta la hubo lagaga dhaawacay, iyadoo goobaha qaarkoodna uu CWXO saad iyo saanad ciidan ku furtay. Sidoo kale sadex weerar oo uu CWXO la beegsaday Wayaanha oo kala joogay, Nasiye oo Gobalka jarar ka tirsan, Adhi-xumeys iyo Sarmaan oo shabeele ka tirsan, Qudhac Meydal iyo Gaafow oo Nogob ka tirsan, baliga-sadarka iyo xalaalgoow oo Qoraxay ka tirsan iyo Muluqaa oo Baabili ka tirsan ayaa isu gayn waxaa qudha lagaga jaray 61 Wayaane ah halka 56 kalna isu gayn lagaga dhaawacay, dagaaladan oo isugu jiray dagaalo waaweyn iyo kuwo dhexdhexaad ah ayaa waxa ay kala dhaceen, maalmihii ay bishabi Apr 11, 12, iyo 13ka ahayd, inta badan goobahan dagaaladu ka dhaceen ayuu CWXO hub iyo saad ciidan oo badan ka furtay, gaar ahaan waxa uu wariyahayagu noo soo cayimay, 4 qori oo AK47 ah, rasaastoodii iyo qalabkoodii kale in ay N/hurayaashu ka dul qaateen 4 askari oo ay Wayaanaha kaga dileen Balliga Sadarka oo qoraxay ka tirsan.
Dhanka kale weeraro isugu jira Mir, dhabagal iyo dagaalo waawayn oo CWXO iyo maxaysatada Wayaanaha ay 14, 15, 16 iyo 17kii April ku dhex maray Gudaha magaalada Awaare, Galaalshe, meesha la yidhaahdo Axmed-gaab oo Jarar ka tirsan, jidgooyo gaadiid cadawgu leeyahay Garigoan loogu gaystay, iyo dagaal kale oo Hootaale oo Garigoan ka tirsan ka dhacay, ayaa dhamantoodba cadawga khasaare laxaad leh loogu gaystay,, dagaaladan ayaa khasaaraha cadawga ka soo gaadhay waxaan faafaahin sugan ka helnay Garigo’an oo 4 Wayaane ahi ku bakhtiday, 5 kalana lagaga dhaawacay.
Isku soo wada duuboo khasaraaha cadawga dagaaladii u danbeeyay ka soo gaadhay oo dhaawaciisuna boqolka kor u dhaafayo, ayaa xooga dagaalku waxa uu ku sii siqayaa xuduuda galbeed ee Ogadenya la wadaagto gumaysatada itoobiya, waxaana sida uu wariyahayagu xaqijinayo isasoo daba dhacaya guulaha ay N/hurayaasha CWXO kala hooyanayaan meel kasta oo la iskaga horyimaado, waxaana jira qalab ciidan oo ka kooban qoryaha fudfudud, BKMyo, Qoryaha Shiishka badan ee Saneefarka loo yaqaano, rasaas tiro badan, Direys ciidan, isgaadhsiin iyo qalab kale oo Military oo ciidamada Xoreynta Ogadenya gobaha dagaalka todobaadadii u danbeeyay ka furteen,
Guusha shacbiga Ogadenyaa Iska leh.
ONA
The ONA correspondent accompanying the ONLA (Ogaden National Liberation Army) stated, in reports he gathered from the battlefields, that defeat and destruction have befallen the Woyane, particularly in the battles of recent weeks that took place in various parts of the country of Ogadenia.
Those battles, most of which were planned attacks launched by the ONLA against the colonial mercenaries, were carried out against the bases and trenches in which the Woyane are stationed in Ogadenia. There were also similar attacks carried out when Woyane troops came out of their camps for massacre operations against the people of Ogadenia. As our correspondent confirms, it has now become rare for the Woyane to come up out of their trenches.
The weight of the freedom fighters' attacks is now falling on the western front of Ogadenia, while the Woyane are trying to defend the routes vital to their presence in Ogadenia, such as Harar, which is the base of the Eastern Division of the Ethiopian military, the place from which their troops colonise Ogadenia and invade Somalia.Regarding the losses the Woyane suffered in the battles in which the ONLA engaged them, the report of the agency's correspondent, which the ONLA defence command confirms, stated that in total 212 enemy soldiers perished on the battlefields, along with a large number wounded, while some Woyane military vehicles were burned in ambushes laid for them. The ONLA seized various military equipment from the enemy. Reports we have received also say that desertions and disputes have begun within the ranks of the Ethiopian colonial army.
The details of the latest battles, which the ONA correspondent delivered to the news section, were as follows:
31/03/2011: An attack launched by a highly equipped ONLA unit on the desperate soldiers of the Ethiopian colonisers, who were on an offensive against the people at a place called Dalalaha in Dh/madaw District of Jarar Region, left the Woyane entirely killed or wounded, with a few escaping by the skin of their teeth, while at that site the ONLA seized a great many weapons and military supplies. The Woyane dead, as counted by the fighters who took part in the battle, numbered 41 soldiers, while the wounded were more than that. Out of fear, the camp from which the defeated troops had come did not send any reinforcements to the place where their comrades were destroyed. On 22 March of the same month, attacks by the heroes of the liberation of Ogadenia targeting Woyane mercenaries stationed for operations against the people at Wancari in Garbo District and Caasha-Cadeey in Shabeele Region killed a total of 9 Woyane soldiers and wounded 5 others.
These battles, which, as our correspondent has confirmed to us, have expanded since the beginning of this month of April, included attacks of varying scale launched by the ONLA on Woyane forces stationed at Cobasha-baabili in Baabili District, Mooyaha in Dh/madaw, Dhaawaale, which is not far from Galaalshe, and the Xaare area, also in Nogob, in which a total of 7 Woyane soldiers perished and 9 were wounded. For some of these battles, no further details are available on the losses suffered by the enemy.
During the first three days of this month of April, ONLA fighters seized various military supplies and ammunition from the Woyane in battles that took place in different locations.
On 04 and 05 April, the ONLA carried out seven attacks in different locations targeting the bloodthirsty Woyane soldiers who were then stationed at Garba-diimo and Dhurwaale, both in Nogob; Laab and God-ookhale in Shabeele; Qarsooni and Jugle, both in Qorahay; and the place known as Xiirane in Doollo. In these attacks, launched against the Woyane in succession, those whose details have reached us so far resulted in a total of 9 Woyane soldiers killed and 3 seriously wounded, while we will bring you the details of some of these battles in our upcoming reports.
The attacks through which the ONLA is liberating the country of Ogadenia from the Ethiopian colonisers, which are now taking place in a balanced manner across the mainland of Ogadenia, also include heavy attacks by the heroes of the liberation of Ogadenia targeting the Woyane stationed at the following places.
At Laab in Shabeele, the town of Dhuxun, the place called Sanadul-amiin and the Buseyti area, all of which are in Nogob Region, as well as Dajinka and Xero-jabhad, both in Doollo, according to what has been confirmed to us so far, a total of 68 Woyane soldiers were killed and 12 others wounded. Among these battles in which the enemy was crushed was a battle of exchanged fire that initially began with an ambush laid by the ONLA on the Woyane as they passed through the Buseyti area near Ceela-obo, where, in a battle that lasted for some time, 50 Woyane soldiers were killed. The fighting did not end there; rather, the Woyane tried to send reinforcements in order to support and supply their defeated troops. However, the ONLA, which was fighting under a leadership highly skilled in military science, had set up full guard on all the directions from which enemy reinforcements were expected, and as a result the Woyane reinforcements were struck midway and scattered in all directions. The ONLA captured the Woyane supplies, while on the other hand the enemy suffered heavy losses there. It is worth noting that the commander of the colonial troops, whose rank was Colonel and who was nicknamed Gumar, was killed there. In addition, the ONLA seized a great deal of equipment at those sites. In the same battles, which took place on 06 and 07 of this month of April, at the place called Xero-jabhad, a vehicle belonging to the colonisers and full of troops and equipment was burned, while the vehicles accompanying it were disabled after being struck with shoulder-fired artillery.
In other attacks on 09 April this month, the ONLA struck the Woyane stationed at Dhabajiriso near Birqod; a heavy raid was carried out on the Woyane camp located in Sheykoosh; an ambush was also laid for the Woyane at Xarshimo near Shaykoosh; and further attacks were carried out against the enemy at Salaxa-Qarsooni near Baabili, and at Jaarkow, Jaara and Qudhac, all in Gabriile. In total, 11 Woyane were killed and at least 18 others were wounded, while at some of the sites the ONLA seized military supplies and ammunition. Likewise, in three attacks in which the ONLA targeted Woyane forces stationed at Nasiye in Jarar Region; Adhi-xumeys and Sarmaan in Shabeele; Qudhac Meydal and Gaafow in Nogob; Baliga-sadarka and Xalaalgoow in Qoraxay; and Muluqaa in Baabili, a total of 61 Woyane were killed and a total of 56 others were wounded. These battles, which included both large and medium-scale engagements, took place on 11, 12 and 13 of this month of April. At most of the sites where these battles occurred, the ONLA seized many weapons and military supplies. In particular, our correspondent specified to us that the fighters took 4 AK47 rifles, along with their ammunition and other equipment, from 4 Woyane soldiers they killed at Balliga Sadarka in Qoraxay.
Meanwhile, attacks consisting of raids, ambushes and major battles that took place between the ONLA and the Woyane mercenaries on 14, 15, 16 and 17 April inside the town of Awaare, at Galaalshe, at the place called Axmed-gaab in Jarar, an ambush on enemy vehicles at Garigoan, and another battle that took place at Hootaale in Garigoan, all inflicted considerable losses on the enemy. Of the enemy losses in these battles, we received confirmed details from Garigo'an, where 4 Woyane perished and 5 others were wounded.
To sum up, with the enemy's losses in the latest battles, whose wounded alone exceed one hundred, the intensity of the fighting continues to shift towards the western border that Ogadenia shares with the Ethiopian colonisers. As our correspondent confirms, the victories that ONLA fighters are winning wherever confrontations occur are following one after another. There is also military equipment that the Ogadenia liberation forces seized on the battlefields in recent weeks, consisting of light weapons, BKMs, the multi-barrelled guns known as Saneefar, a large quantity of ammunition, military uniforms, communications equipment and other military equipment.
Victory belongs to the people of Ogadenia.
ONA
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
