Opens in a new tab

Xubnaha Faraca Horseed oo Kulmay

ONA24 October 2025
Read in English

Waxaa maanta Xafiiska Faraca Horseed ee ka howl gala magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee dalka Somalia ka qabsoomay kulankii caadiga ahaa ee Xubnaha.

Maamulka faraca Horseed oo kulanka qabtay ayaa ugu horay xubnaha siiyay xog balaadhan oo la xidhiidha shaqada faraca, iyagoo sidoo Kale xubnaha ugu mahad celiyay sida ay ula shaqeeyeen.

Sidoo kale waxaa xubnaha siiyay xog waafi ah qaar kamid ah madaxda Ururka ONLF oo kulanka marti ku ahaa, waxayna madaxdu xubnaha siiyeen xog kufilan.

Kulanka ayaa kusoo idlaaday si nabad ah, iyadoo lagu balamay hadal yar iyo howl badan.

ONA.

La wadaag