Cidna kama daahsoona in umad gumaysi ku jirta ay la mid tahay umad ku jirta xabsi ah kuwa sida aadka ah loo ilaaliyo oo dusha ka furan. Xidhiidhka ka dhexeeya maxaabiista ku jirtaa xabsigaa iyo kuwa ilaaliya waa mid ku dhisan cadaawad iyo kala shaki joogta ah.
Gumysigu wuxuu ku dhex joogaa umadda uu gumaysto cabsida ay shacabka dalka iska leh ka cabsanayaan ciidamadiisa iyo kuwa u adeegaya, isagoo marwalba dareensiiya in noloshooda iyo joogitaankiisa ay isku xidhan yihiin. Wuxuu ogsoonyahay gumaysiga in dilka iyo cadaadiska xad dhaafka ah ee ciidamadiisa ay ku hayaan shacabka inay tahay sida kale ahee uu ku dhex joogi karo. Maalinta uu shacab la gumaysto go’aansado inuu gumaysiga ka xoroobo waa maalinta ay ku tala galayaan inay wajahayaan xaalad adadag oo aanay ka gudbi karin hadaanay la imaanin mintidnimo iyo isku-tashi. Gumaysiga wuxuu adeegsanayaa wax kasta oo qof nool lagu ciqaabi karo oo dilka uu u yahay midka ugu dhibka yar.
Si xanuunka iyo dhibaatada shacabka lagu hayo ay u saameyso qofkasta wuxuu adeegsadaa gumaysiga oo uu ku fuliyaa dhibaatada uu ku hayo shacabka qaar iyaga ka mid ah oo la garanayo oo hebelkii ina hebel ahaa ah. waliba falalka ugu xunxun ee bani-aadminimada ka baxsan waxaa gacmahooda ku fuliya kuwa dadka la dhashay ey wada garanayaan. Si marka la soo qaado dhibaatada gumaysiga loo yidhaahdo anagaa isku hayna dhibaatada. Mana ah mid ay iskood u maageen kuwan uu gumaysiga adeegsanayo ee waxay fulinayaan waajibaad la farayo inay kula dhaqmaan shacabka ilaa ay gaaraan heer ay bulshada nacalado oy isarkaan inay badbaadadooda kuba jirto joogitaanka gumaysiga.
Waxyaabaha laga soo sheegayo maalmahan dalka ee muujinaya falalka cadawtinimada leh ee gumaysiga uu ku fulinayo maxaysatadii Cabdi ilay waxay muujinayaan inuu gaaray gumaysiga marxaladihii ugu dambayay ee gumaysiyada ay maraan marka uu ka quusto guusha uuna ogaado in la fahmay xeeladihiisa ku dhisan kala qaybinta iyo kala xod-xodashada shacabka.
Waxyaaba badan ayaa iskaashaday bilihii la soo dhaafay oo intaba ku riday niyad jab weyn gumaysiga iyo kuwii horey ula socday ama kuwii dhawaanahan isu dhiibay. Waxay filayeen kooxahaa is-biirsaday ee gumaysiga uu horboodayay in kharashka malaayiinta ahee ay galiyeen dacaayada iyo buunbuuninta waxay ugu magac dareen –Nabad baa dhacday- inuu shacabka gude iyo dibadba ka horkeeni doono halganka gobanimadoon oo xubnaha ku soo hadha ONLF iyagoo meelaha taagan la soo qab-qaban doono. Shirqoolkaa oo xataa dad waaweyn oo culimo ah iyo qaar aqoon lehba lala kaashaday ayaa ku fashilmay gudaha iyo dibadaba. Arintaa waxaa intaan laba gaarin gumaysiga ay guuldaro ku noqotay kooxihii is-biirsaday ee u sacaba tumayay, kuwaasoo colaad laxaadleh u qaaday bulshada oo dambigii fashilkooda dusha ka saaray.
Cadeymo badan oo qoraal iyo dhagaysiba leh oo laga hayo kooxihii ku bahoobay heshiis beenaadkii ayaa intaba muujinaya colaada ay u qaadeen bulshada markii ay ku diideen nabad beenaadee la rabay in loo magoogo, kuwaasoo hadda doonaya inay ka aargoostaan bulshada gaar ahaan eheladoodii ugu dhawaa ee diidey mashruucii ay gumaysiga la soo galeen. Qaar kuwaa ka mid ah ayaa doonaya inay shacabka kala dooransiiyaan inay is-dhiibaan oo la badbaadiyo ama ay halaganka taageeraan oo la gumaado. Waanan kashifi doonaa marka ay soo dhamaystirmaan baadhitaanada kuwa gumaysiga kula gorgortamay falalkaa shaydaanimada ah.
Qofka yaqaana dhaqanka gumaysiga Itobiya umbaa garan kara heerka niyad-jabka ah ee gumaysiga uu gaaray. Taariikhda Itobiya hal wado umbay waligeed soo haysatay. Shacabkii doonaya inuu ka xoroorbo gumaysiga Itobiya ama cadaadiska xukuumada waa inay la yimaadaan adkaysi iyo mintidnimo. Sidaa umbay ku soo xoroobeen shacabka Ertreeya, qawmiyadda yar ee Tigreegana ay ku qabsadeen xukunka Addisababa.
Waan ka guulaysanaynaa Wayaanaha Inshaa Alaah.
ONA.
It is no secret to anyone that a nation under colonial rule is like a nation held in a heavily guarded, open-air prison. The relationship between the prisoners in that prison and those who guard them is one built on hostility and constant mutual suspicion.
The coloniser remains among the nation it colonises through the fear that the country's own people have of his forces and those who serve him, while constantly making them feel that their lives and his presence are bound together. The coloniser knows that the killing and excessive oppression his forces inflict on the people is the only way he can remain among them. The day a colonised people decides to free itself from colonialism is the day they resolve to face a harsh situation which they cannot overcome unless they bring determination and self-reliance. The coloniser uses every means by which a living person can be punished, and killing is the least painful of them.
So that the pain and suffering inflicted on the people affects everyone, the coloniser carries out the suffering he imposes on the people through some of their own, known individuals, so-and-so son of so-and-so. Moreover, the worst inhumane acts are carried out by the hands of people whom their kinsfolk all know. This is so that when the suffering under colonialism is raised, it can be said: "It is we who are inflicting suffering on one another." Nor is it something these people used by the coloniser have devised on their own; rather, they are carrying out duties they are ordered to perform in dealing with the people, until they reach the point where the society is cursed and believes that its survival lies in the continued presence of the coloniser.
The reports coming from the country these days, showing the hostile acts the coloniser is carrying out against the stooges of Cabdi Iley, show that the coloniser has reached the final stages that colonisers pass through when he despairs of victory and realises that his tactics, built on dividing the people and setting them against one another, have been understood.
Many things have combined over the past months, all of which have plunged the coloniser, along with those who were already with him or those who recently surrendered to him, into great demoralisation. Those groups who joined together, led by the coloniser, expected that the millions in expenditure they put into propaganda and exaggeration of what they named "Peace has come" would turn the people at home and abroad against the struggle for freedom, and that the remaining members of the ONLF would be rounded up wherever they stood. That conspiracy, in which even elderly people who are religious scholars and some educated people were enlisted, failed both at home and abroad. Before it even reached the coloniser, this matter became a defeat for the groups that had joined together and were applauding him, who have launched a fierce hostility against the society and laid the blame for their own failure on it.
Much evidence, both written and audio, held on the groups that united around the false agreement, all shows the hostility they launched against the society when it rejected the false peace that was meant to be named on its behalf, and they now want to take revenge on the society, especially their closest relatives who rejected the project they brought in with the coloniser. Some of them want to make the people choose between surrendering and being spared, or supporting the struggle and being annihilated. We will expose, once the investigations are completed, those who bargained with the coloniser over these satanic acts.
Only a person who knows the conduct of Ethiopian colonialism can grasp the level of demoralisation the coloniser has reached. The history of Ethiopia has always followed only one path. A people who wish to free themselves from Ethiopian colonialism or the government's oppression must bring endurance and determination. That is how the people of Eritrea freed themselves, and how the small Tigrayan nationality seized power in Addis Ababa.
We will prevail over the Woyane, God willing.
ONA.
AI translation from the Somali original. In case of doubt, the Somali text is authoritative.
